Go’aankii Komishanka Oo La Mahadiyey: Khadar Awliq
Somaliland Nation
March 17th, 2015
Go’aankii Komishanka Oo La Mahadiyey: Khadar Awliq

Shacabka Somaliland ee mar kasta jecel nabada iyo horumarka ayaa meel kastoo ay joogaan soo dhaweeyey go’aankii ay dhawaan qaateen guddiga doorashooyinka ee Somaliland.

Inta badan markaad eegto goobaha lagu kulmo ee baraha bulshada waxaad kala kulmaysaa soo dhaweyn ay u hayaan go’aanka guddiga iyo ayidsanaanta xisbiyada qaranka ee saddexda ah.

Mar hadii la helay isku duubnaan iyo in meel loo wada jeedo shacab iyo xukuumad waa galab Eebe, waana midii Somaliland mar kasta looga bartay, iyadoo ay ka naxaan kumaan kun cadaw u ah Somaliland.

Waxaan guddiga doorashooyinka ku bogaadinayaa go’aanka geesinmada leh ee ay qaateen, taas oo muujinaysa kalsoonida laga qabo intay leegtahay.

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa mid kasbatay kalsoonida umada, iyadoo aan mar qudha ilaa hada madaxweynaha laga maqal doorashada ii kordhiyo iyo wakhtigeeda dib iigu dhiga.

W/Q: Khadar Awrliq

awrliq@gmail.com

 

 

Articles

More Articles