Turkiga oo xusaya sanad guurada isku-daygii afgembi
Somaliland Nation
July 15th, 2017
Turkiga oo xusaya sanad guurada isku-daygii afgembi

London(Somaliland Nation)Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Rajab Tayid Erdogan

thumb
15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii fulinaysay.

Xukuumadda Ankara ayaa soo saartay wareegto aya shaqada kaga ceyrisay in ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis ah, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno.

Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka Fetxullaah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi.

Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.

Articles

More Articles