Dawladda Somaliland oo Ugaadhsanaysa Kooxaha ku Shaqeysta Tahriibka
Somaliland Nation
October 1st, 2016
Dawladda Somaliland oo Ugaadhsanaysa Kooxaha ku Shaqeysta Tahriibka

kaysar

Hargeysa(Somaliland Nation) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo aafada tahriibta iyo sidii loo soo qab-qaban lahaa magafeyaasha ka shaqeeya tahriibinta dhalinyarrada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in tahriibtu tahay aafo u baahan in ay iska kaashadaan xukuumad iyo dadweynaba,waxaanu xusay in wadamada dariska ay xidhiidh kala sameeyeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen la dagaalanka tahriibka.
“Tahriibtu waa dhibaato soo noq-noqonaysa oo u baahan in la iska kaashado xukuumadda, shacabka iyo dalalka dariska ay nahay-ba sidii masiibadaa looga hortagi lahaa,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenku.
Wasiir Kaysar waxa uu sheegay in xukuumaddu samaysay wacyi gelin badan, hase yeeshee loo baahan yahay in dhalinyarradu ay fahmaan diintu banaynayn in qofku naftiisa haligo, waxaanu yidhi “Run ahaan xukuumadda Somaliland tallaabooyin badan ayay qaaday oo xidhiidhana waxay la samaysay wadamada dariska aynu nahay waxaana wacyi gelin badan ka samaynay tahriibta taas oo laga sii daayay warbaahinta qaranka,laakiin ta muhiimka ahi waxa weeyaan dadka u badani waa dhalinyarrada waana in ay fahmaan in aanay qumanayn in qofku is dilo ama isbiimeeyo.”
“Markaa waa arrin u baahan in laga wada shaqeeyo xukuumaddu aad ayay u dedaalaysaa wixii awoodayada ahna waxaan ku dedaalaynaa inaan ugaadhsano oo gacanta ku soo dhigno oo sharciga hor-geyno kuwa ka shaqaysta tahriibinta dadka ee ma gafeyaasha ah.waxaanu doonaynaa in dadweynaha reer Somaliland xukuumadda kala shaqeeyaan sidii loo soo qabqaban lahaa magafeyaasha ka ganacsanaya dhiiga dadka oo meel kasta oo ay ku ogyihiin la soo socodsiiyaan laamaha amaanka,”ayuuyidhi Mr. Kaysar Cabdilaahi Maxamed.

Wasiir ku xigeenka qorshaynta waxa kale oo uu sheegay in ay abuureen qorshe ku wajahan sidii Somaliland horumar u gaadhi lahayd,taasi oo shantii sannadoodba hal mar la dejiyo. “Wasaarada qorshayntu waxa ay leedahay aragti fog waxaana ay dejisay qorshe ku wajahan illaa sannadka 2030-ka iyo sidii Somaliland horumar ku gaadhi lahayd,taasi oo shantii sannaba mar la dejiyo qorshahaasi,”ayuu yidhi Mr. Kaysar waxaanu intaas ku kabay “Waxaanu imika ka soo gudubnay shantii sanno ee ugu horeeyay oo dhammaanaya sannadkan aynu ku jirno. markaa waxa wasaarada qorshayntu beryahanba gacanta ku haysay qorshihii shanta sanno ee qaranku ku shaqayn lahaa ee dhinaca horumarka iyo sidii aan ku gaadhi lahayn. qorshahan waxaanu ka wada shaqaynaynaa wasaarado iyo hay’ado badan,”.ayuu yidhi Wasiirku.

Articles

More Articles