Somaliland Waa U Guul Imaatinka Madaxda Shirkada Caalamigaa DP World Safiir Baashena Waa Ku Mahadsan Yahay Dedaalkiisa
Somaliland Nation
May 24th, 2016
Somaliland Waa U Guul Imaatinka Madaxda Shirkada Caalamigaa DP World Safiir Baashena Waa Ku Mahadsan Yahay Dedaalkiisa

Somaliland guul bay u tahay inay maanta soo gaadhaan oo cagaha soo dhigtaan Madaxda ugu saraysa Shirkada dhismayaasha Dekeda ee loo yaqaan DP World, runtii waa sharaf iyo maamuus

download

waana guul aynu dheernahay  Geeska Africa iyo mandaqada

Dhawaan ayey ahayd markii Xukuumada Somaliland uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay  heshiis lasoo gashay  Shirkada DP World  oo balaadhin  iyo casriyeyn ku samayn doonta Dekeda Caalamigaa ee Berbera oo la doonayo inay noqoto marinta Geeska Africa.

  Guushan usoo hoyatay Somaliland  ka sakow Siyaasada Madaxweynaha waxaan odhan karnaa  waxaa kartideeda iyo aqoonteeda aan waxba ula hadhin Safiirka Somaliland u fadhiya Wadanka Imaaraadka Carabta  Amb  Baashe Cawil Cumar oo aan odhan karno tan iyo maalintii xilkaasi loo magacaabay wuxuu dedaal weyn ka geystay sidii uu rumayn lahaa himada Madaxweynaha isagoo ka duulaya siyaasada horumarinta dalka ee Xukuumada Madaxweyne siilaanyo  inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii qarankani u heli lahaa maal gashi caalami ah .

Mudane Baashe Cawil Cumar oo aan odhan karno waa geesi  qarankiisa guul usoo hooyey wuxuu xidhiidh diblumaasiyadeed ku keenay mashaariic horumarineed oo mustaqbalka aayaha jiilka danbe horumar anfici doonta waxaynu ku sifayn karnaa muwaadin  han iyo himilo leh oo jecel inuu qarankiisu horumar maro.

Kuwa meelahaa ka caytama ee maqasha gala quustay markay ragga gaadhi waayaan waa caadadood inay xajiimeeyaan  masuuliyiinta dafaha u xaydatay horumarinta koq u qaadista dhaqaalaha wadanka, waxaanu kuwaa u sheeganynaa inay ka waatoobaan oo maantaba arkaan in Somaliland ay yimaadeen saraakiishii ugu saraysay  shirkada maalgelinta ku samayn doonata  Dekeda  Berbera.

Dalkan iyo dadkan waa la horumarinayaa cidna loo joojin maayo

Ali Qurbaawi

Articles

More Articles