“Ma aaminsani in maanta dalkeena aynu ku dhisi karno deeq iyo deyn aynu ka sugno Dalal Shisheeye”
Somaliland Nation
May 18th, 2016
“Ma aaminsani in maanta dalkeena aynu ku dhisi karno deeq iyo deyn aynu  ka sugno  Dalal Shisheeye”

Somaliland-Map

Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa guusha uu u soo hooyay madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland, ee uu ku wareejiyay  dekada Berbara, taasi oo wax ka tari doonta dhaqaalaha iyo horumarka Somaliland.

Somaliland waxay maanta u baahan tahay maalgelin caalamiya oo u baahan in lagaga gudbo xaaladaha dhaqaale ee dalka, iyada oo laga duulayo in bulshada laga saaro caqabadaha arrimaha dhaqaalaha, isla markaana la abuuro fursado shaqo abuur oo lama ilaabaana.

Waxaa laga maarmaan ah in dhalinyaro badani ay kaga bixi doonaan shaqo la,aanta, tahriibka iyo aafooyinka kale ee dhabarka ka jabiyay dhalinyarada laga bixi doono hadii ay Somaliland maanta hesho  maalgashi caalami ah.

Somalidaa waxay ku maahmaahdaa “Biyo Sacabadaada ayaa lagaga dhargaa”

Dp World waa shirkada maalgalinta balaadhan ee  400 ee milyan ku baxayso ku samaynaysa  marsada dekada berbara,  umalayn maayo in Somaliland ay u baahan doonto dalal kale mar hadii ay ku guulaysatay, heshiiskaas taariikhiyga ah ee uu madaxwaynuhu ku ansixiyay .

Articles

More Articles