Madaxweyne Siilaanyo Isagoo Wasiir Ka Ah Dawladii Siyaad Bare Ayuu Ku Dagaalamay Meel Marinta Iyo Balaadhinta Dekeda Berbera: W/Q: Mustafe Cabdi
Somaliland Nation
May 18th, 2016
Madaxweyne Siilaanyo Isagoo Wasiir Ka Ah Dawladii Siyaad Bare Ayuu Ku Dagaalamay Meel Marinta Iyo Balaadhinta Dekeda Berbera: W/Q: Mustafe Cabdi

suga1

 

Balaadhinta iyo casriyeynta marsadda Berbera waxay ka turjumaysaa horumarka Somaliland ka gaadhay dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, waxaanay markhaati u tahay aaminaada dunidu aamintay jiritaanka qaranimadda Somaliland.

Ilaahay ayaa mahad oodhan iska leh maanta madaxweyne Siilaanyo ku simay inuu ka dhabeeyo hamigisii ahaa inuu balaadhiyo dekada Berbera uu maanta imaaraadka carabta gaar ahaana shirkada wayn ee Dubai Port World ay Somaliland heshiis kula gashay in la balaadhiyo dekada Berbera iyo dib u dhis lagu sameeyo dariiqa isku xidha Wajaale iyo Berbera.

Wel-wel badan lagama qabo in madaxweyne Siilaanyo oo rajiimkii Maxamed Siyaad Bare wasiir ka ahaa uu xiligaas doonayey inuu balaadhiyo dekada Berbera adiga oo cabiri kara dagaalka aan muuqan iyo ka muuqda ee xiligaa lagula jiray wixii la odhan jiray gobolada Waqooyi.

Cadaadiska intaa leeg wasiirka u badheedhi lahaa waa kee? Waxaan qabaa maanta soomali iska daayo geeska Afrika ayaan xataa laga soo helayn, waana astaamaha lagu garto marka ilaahay bedel khayr qaba ku siinayo.

Maanta oo Somaliland uu madaxweyne ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)miyaad ka shaki qabtaa inuu balaadhin daaye’e samadaa ku shareero horumarka iyo casriyeynta Dekadda Berbera? Qofka caqliga u saaxibka ahi shaki kama qabo inay taasi hirgasho ilaahay amarkii.

Dekada Berbera oo la balaadhiyo waxay ina gaadhsiin kartii inteena noolaata in sida dawladaha carabta in qof kastaaba uu qaato mushahar aanu u soo dhididin ama u soo shaqaysan, inaga oo qiyaasi karna dhaqaalaha ka soo bixi kara iyo shaqo abuurka laga heli karo. Balaadhintaasi waxay door muuqda haddii Eebe xukmo ka qaadan doontaa shaqo abuurka jiilka soo kacaya.

Ilaahay mahadii ayeynu joognaa maanta mar haddii maanta aynu ku taamayno maalgashi lixaadle oo intaas leeg in dalkeena lagu sameeyo, waana wax lagu faano laguna bogaadiyo cid kasta oo ka shaqaysay, hore ayaa loo yidhi far kaliyi fool ma dhaqdo, madaxweyne adiga iyo wasiiradda dadaalka aan la iloobi Karin kula galay waxaanu ku leenahay hambalyo.. hambalyo.

Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan u soo jeedin lahaa inay ka qayb qaatan wax kasta oo lagu taageerayo balaadhinta dekadda Berbera oo ah xudunta Somaliland leedahay, mucaaridka laftooda aayaha ummada waxaa ka saaran waajib ah inay la doonaan wax kasta oo qaranka loogu hiililnaayo.

Somaliland guul iyo gobanimo.

Ilaahay ayaa mahad leh

Mustafe Cabdi

cmustafe99@gmail.com

 

 

 

Articles

More Articles