Madaxweynaha Qaranka Somaliland Wuxuu Shacabigiisa Ku Sagootiyey Xuska Rubuc Qarni 25 Sano Oo Somaliland Ku Taamayso Guulo Iyo Horumar Balaadhan .
Somaliland Nation
May 18th, 2016
Madaxweynaha Qaranka Somaliland Wuxuu Shacabigiisa Ku Sagootiyey  Xuska Rubuc Qarni 25 Sano Oo Somaliland Ku Taamayso Guulo Iyo Horumar Balaadhan .

Madaxweyne

Somaliland waxaa sanadka kasta laga xusaa maalinta dib ula soo noqoshada xoriyada ee 18-ka may iyadoo guud ahaanba si weyn looga dabaal dego  Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, Hadaba sanad guuradan oo ahayd tii 25aad ee kasoo wareegtay maalintii somaliand ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay xornimadii halowday  1960.

Axmed Maxamed Siilaaanyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland cimrigiisa inta badan wuxuu ka talinaayey danta guud,  qaranka somaliland wuxuu usoo qabtay  11 sano oo xidhiidha ayuu duurka usoo galay , waxaana isagoo wasiira oo aqalkiisu kasoo hor jeedo Villa Somaliya  uu ka door biday inuu galo taandho ku taala Hawdka Gobolka Togdheer taasina waxay makhraati u tahay lecejeclda iyo danta mustaqbalka uu ka lahaa dalkiisa iyo dadkiisa  isagoo ahaa hogaamiyihii ugu mudada dheeraa halkagankii hubaysnaa ee SNM guulo badana kasoo hooyey dagaaladii lagula jiray  keligii taliskii Siyaad bare .

Sanadkii 2003 Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu u tartamay inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland isagoo hogaamiye mucaarid ka ahaa Xisbi weynaha Kulmiye balse nasiib daro musuq maasuq lagu sameeyey doorashii xiligaasi waxaa la sheegay inuu ku guulaystay  Madaxweyne Riyaale balse  Axmed Maxamed Siilanyo isagoo eegaya mustaqbal iyo danta shacabkiisa wuxuu ku dhawaaqay inuu aqbalay isagoo og in la musuq maasuqay  shacabkana wuxuu kula dardaarmay in nabad gelyada la ilaaliyo

Mudo ku siman 7 Sano oo Madaxweynaha qaranku jaraha u hayey  waxaa hubaala in maanta somaliland joogto marxalad horumar iyo barwaaqo ah, waxaana fulay mashaariic horumarineed oo bulshadu u riyaaqday  haday caafimaad taahy , Waxbarasho, iyo dhismayaasha Xurumaha Dawladda iyo Wadooyinka Kaabayaasha dhaqaalaha, isla bishan aynu ku jirno waxaa  Madaxweynaha qaranku iyo Xukuumadiisu qalinka ku duugeen Mashruucii ugu balaadhnaa oo lagu casriyeynaayo Marsada qadiimkaa ee Berbera , guud ahaan shacbiga somalialnd si kal iyo laab ah ayey uso odhaweeyeen isagoo wax weyn ka tari doona kaabayaasha dhaqaalaha.

25 sano oo jirtay  Axmed Maxamed Siilaanyo waa Madaxweynihii Afraad ee Doorasha Xor oo xalaala ku yimi kursiga,  wuxuu maanta shacabka u jeediyey si la filaayo inuu khudbadii ugu danbaysay ee isagoo madaxweynaha uu ka jeediyo munaasibad lagu xusaayo sanad guurada 18 may, khudbadaasi waxaa ku jiray  weedho hadalo waa weyn oo qaranka dhaxal gal u ah, Waxaan leeyahahay Madaxweynaha waxaad tahay Hogaamiye wanagsan oo qaranikani ku faano Taariikhduna hore waa kuu xustay hadana baalaha dahabkaa ayaad kaga jirtaa Mudane Madaxweyne.

Articles

More Articles